Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo lagu Eedeeyay in uu ku guuldareystat in doorashooyin dalka uu ka hirgeliyo

Sheekh Fu’aad Bin Caqiil oo ka mid ah Aqoon yananada Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Swedan ayaa soo soo dhaweeyay Madasha badbaado Qaran ee looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho Islamarkaana ay ku midoobeen Midowga Musharixiinta mucaaradka ah iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubland oo uu wehliyo  Gudoomiyaha Aq alka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi

Sheekh Fu’aad ayaa ku tilmaamay madashaan mid wax weyn ka tareeysa Xaalada Siyaasadeed ee uu dalka ku jiro.

Dhinaca kale    Sheekh Fu’aad Bin Caqiil ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ku guuldareystay in doorasho  wada ogol ah uu dalka ku qabto ,waxaana uu sheegay in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday madaamaa uu ku guuldareystay in dalka doorasho uu ku qabto in uusan isku dayin in markale uu hamiyo in Dalka uu madaxweyne ka noqdo.

 

Sheekh Fu’aad ayaa ku dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu sameysatay koox Baro bogaando ku faafisay baraha bulshada si ay isaga Taageero ugu muujiyaan islamarkaana kooxdaasi uu dhaqaale badan uu ku bixiyo

Ugu dambeyntii sheikh Fu’aad Bin Caqiil ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu Dekaddo badan uu doonaayo in uu u gacan geliyo Dawlada Itoobiya Taas oo uu sheegay in ay noqon karto dhibaato kale oo soomaaliya lugaha ay la gasho.