Dhageyso: Maamulka Hirshabeelle oo laga dalbaday in uu xaliyo Xiisadii ka dhalatay Xilka qaadistii Cali Jeyte

Xildhibaan hore Xuseen Muxumed Maxamuud Gaagaale oo ka hadlayay Xiisada ka dhalatay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyhii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa faray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe in uu xaliyo Xiisadaas islamarkaana Dadka Reer Hiiraan dib u Heshiisiin Guud loo sameeyo.

Mudane Xuseen Gaagaale ayaa sheegay in Markii hore lagu deg degay xil ka qaadista Cali Jeyto balse hadda looga fadhiyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen xal u raadiyo Tabashada Reer Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle ay ka qabaan.

Dhawaan ayay  ahayd Markii Madaxweynahaa Maamulka Hirshabeelle uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii ho Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Laguna bedelay Cabdullaahi Sufuroow balse Cali Jeyte uu diidaay kuna dhawaaqay Maamulka Cusub oo loogu magacaabo Hiiraan State islamarkaana sheegay in isaga loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State.

Hakan Hoose ka Dhageyso Waraysi Xildhibaan hore Xuseen Gaagaale: