Muqdisho : Madaxweyne ku xigeen Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah alshabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in sida dadka qaar ay la tahay aan Al-Shabaab weli laga gaarin guul weyn, islamarkaana weli aan laga saarin degaaannada Hirshabeelle
Sidoo kale ‘ Yuusuf Dabageed ayaa Tilmaamay in dagaal ay kula jirnaan uu yahay in ay difaacaa dalka oo ay u dhintaan & in ay iyaga oo sharaf leh oo Hirshabeelle ku xarragoodaan ay noolaadaan, wax aan ka heyn labadaas go’aan aysan u furneyn,” waana sida uu hadlaka u yiri’ Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.
Hadalka ka soo baxay Yuusuf Dabageed oo ah madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku soo aadaya xilli, gobolka Hiiraan uu ka socda Hawlgal ka dhan ah Alshabaab.