Dhageyso: Maamulka Gobolka Hiiraan oo bilaabaya Hawlihii Daqli Aruurinta Degmada B/weyne

Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan sheikh Xuseen Cusmaan Cali oo u waramay warbaahinta Aragti Cusub ayaa ka hadlay Hawlaha lagu dar dargelinaayo Nidaamka dawlada Hoose ee magaalada Baladweyne

Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada e maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in in soo magacaabista Maayar Degmada Baladweyne iyo Xilka ay la wareegtay ay wax badan ku soo kordhineyso  dadaalada lagu xoojinayo  dar dar gelinta Dawlada hoose ee Magaalada Baladweyne waxana uu Intaasi ku daray in dhawaan Hawlihii Canshuur Aruurinta ay ka bilaabayaan magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan

Dhawaan ayay ahayd markii Maayar Cusub loo magacaabay Degmada Baladweyne sidoo kalana Xilka laga qaaday Maayarkii hore magaaladaasi