Dhageyso: Maamulka Degmada Kismaayo oo ka hadlay xaalada Amni ee degmadaasi

Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Magaalada Kismaayo Cabdilaahi Maxamed Cabdi Gaaboow ayaa ka war bixiyay xaalada Amni ee Magaalada Kismaayo

Gudoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in Hawlgaladii ugu dambeeyay lagu soo qabtay Dad badan oo lagu tuhmaayo in ay qayb ka yihiin Qaraxyo iyo dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo, Waxaana uu shegay in Dadkaasi maxkamad la soo Tagi doono

Gudoomiye ku xigeenka Amniga Degmada Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in Dadka Dilalka iyo Qaraxyada ka geysanaya ay yihiin Alshabaab Caddaaladana la horkeeni doono.