Dhageyso: Korneyl Rufle oo ka hadlay duqayn diyaaradeed oo Caawa ka dhacday gobolka Gedo

Wararka ka Imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaradaha dagaalka Ciidanka Kenya opo ka Tirsan Amisom ay duqeyn la beegsadeen  Gaadiid booyado ah oo biyo dhaamin u sameeynaya Dadka shacabka ah eek u nool gobolka Gedo Islamarkaana Abaaro saameeyn ay ku yeesheen

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in dhawr Xarumood oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay gobolka Gedo ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Kenya ee Magaca Amisom ku Hawlgala

Korneyl Aadan Xersi oo loo yaqaan Korneyl Rufle Islamarkaana ah Afhayeen Gobolada Jubooyinka oo u waramay warbaahinta Aragti Cudb ayaa ka war bixiyay duqaynta iyo khasaaraha ka dhashay waxaana dhinaca kale uu Fariin u diray dawlada Federaalka Soomaaliya eek u aadan gurmadka loo fidinayo shacabka Abaaraha ay ku saameeyen gobolkaasi Gedo

Sidoo Kale Korneyl Rufle ayaa  fariin u diray Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musoobooyinka Khadiija Maxamed Diiriye oo la xiriira gacanta Wasaarada ay ka geysatay Gurmadka la gaarsiinayo shacabka ku dhibaateysan Gobolka Gedo.