Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaalkii xalay ilaa saakay ka socday Magaalada Balad Xaawo ee u dhexeeyay Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Jubland
Madaxweyne ku Xigeenka koowaad Maamulka Jubland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku Eedeeyay in dagaalka ay soo qaadeen Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe isku aruursanayay degmada Balad Xaawo
Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku Tilmaamay Ciidankaasi dagaalka la galay ciidamada Jubland in ay yihiin nabad sugida Soomaaliya
Hase ahaatee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku Tilmaamatay Ciidanka Jubland Jabhad ay Kenya soo hubeynayso.