Dhageyso :Injineer Cabdi Risaaq Xuseen Jeyte oo ku baaqay Shir dib U heshiisiin ka hor inta la qaban doorashooyinka Soomaaliya

Injineer Cabd Risaaq Xuseen Jeyte oo ka Tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Germany ayaa ka hadlay Xaalada Soomaaliya

Injineer Cabdi Risaaq Xuseen ayaa ugu horeeyn ka hadlay matalaada siyaasadeed gobolka Banaadir uu ka helay Aqalka sare iyo Arimaha doorashooyinka

Mudane Cabdi Risaaq ayaa sheegay in doorasho Soomaaliya ka dhacda ay  ka hor loo baahan yahay in dib U heshiisiin loo sameeyo Umadda Soomaaliyeed islamarkaana wax leyska weeydiiyo Waxyaabihii dalka ka dhacay sanadkii 1991 ka dib Bur burkii dawladii Dhexe ee militariga ahayd

Ugu dambeyntii Waxaa uu ku baaqay in loo gurmado Dadka barakacayaasha ah eek u nool xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho Dadkaas oo ka soo cararay dhibaatooyin ka jira degaanadii ay ka yimaadeen.