Dhageyso: Ibraahim saalax Deyfullah oo soo dhaweeyay Ansixinta 13 Kursi uu gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sare

Siyaasiga Ibraahim Saalax Deyfullah ayaa soo dhaweeyay go,aankii shalay Xildhibaanada Golaha shacacka ay ku Ansixiyeen 13 Kursi uu gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare

Deyfullah  ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya Beelaha Carab Soomaali ee dega Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka ay soo dhaweynayaan go,aankaasi Waxa uu wax laga Xumaado ku Tilmaamay Kursi Beelaha Carab Soomaali ay lee yihinn Islamarkaana degaan doorashadiisa ay ahayd gobolka Banaadir  loo weeciyay meelo kale.