Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalladda Muqdisho kaga hadlay weerarkii xabsiga Dhexe iyo Marxalada siyasadeed ee Soomaaliya
Waa uu si kulul uga hadlay weerarkii xabsiga dhexekuna Eedeeyay Hay’adda NISA inay ka dambeysay Dagaalkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, ee u dhexeeyey Maxaabiista Alshabaab iyo Ilaaladda Xabsiga, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hogaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa waxa uu Shirka Jaraa’id ka sheegay inay Dawlada Federaalka Soomaaliya ku fashilantay Sugida Ammaanka iyo inay Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya ay diidan yihiin inay Shacabka horyimaadaan oo ay u sharxaan Xaalladda Guud ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Taagan iyo Amniga.
Waxa kale oo uu Tilmaam ka bixiyey Shaqada Madaxweynaha Khaaska u ah iyo Hawlaha kale, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuusan Madaxweynaha shaqo ku lahayn Hawl-maalmeedka Fulinta iyo Doorashooyinka, oo ay u taallo Laanta Fulinta ee Xukuumadda.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir waxa uu Baaq u diray RW cusub ee la soo magacaabi doono, wuxuuna ugu baaqay inuu la xisaabtamo Hay’adda NISA, waa sida uu hadalka u dhigay.