Dhageyso: Heshiis laga gaaray Xiisado Colaadeed oo ka Taagnaa Degaanada Qalan qale iyo Xanan buure ee gobolka Galgaduud

Nabadoon Cabdi Axmed Cali oo loo yaqaano Boqor Cabdalla ayaa waraysi uu siiyay Warbaahinta AragtiCusub ka hadlay dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Laba Maleeshiyo Beeleed oo dhawaan ku daagalamay Degaanada Qalan qale iyo Xananbuure oo ka Tirsan Degaanada Hoostaga Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

Boqor Cabdala ayaa sheegay in in isaga iyo Odayaal kale ay ku guleysteen dhex dhexaadin ay ka dhex sameeyeem Beelaha Maleeshiyaadkooda ay halkaasi dirirta ku dhex martay

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Dadka Halkaasi ku diriray ay ahaayeen Dad Xoolo dhaqata ah oo Dhul Isku haysta

Dhinaca kale Cabdi Axmed Cali ayaa soo dhaweeyay  Codka Kalsooni Siinta Ra,iisal Wasaaraha Cusub Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble.