Dhageyso : Hawlgal Amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda Wadada Xiriirisa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Faah Faahin ka bixiyay Hawlgalo ka socda Wadada Xiriira Jowhar iyo Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Ujeedka Hawlgalka uu yahay sidii loo sugi lahaa Amniga wadadaasi

Hawlgalka ka socda Wadada u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa iska kaashanayaa Ciidanka Dawlada Federaalka iyo Booliska Maamulka Hirshabeele , hase ahaatee wadadaasi ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay qarax Miino oo Halkaasi lagula eegtay Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo ku Amisom oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo garay