Dhageyso: Gudoonka Golaha shacabka oo sheegay in kalsoonida ay kala noqdeen Ra’iisal wasaare xasan Cali kheyre

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kalsoonida kala laabteen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Kulanka oo ku bilowday buuq iyo sawaxan ayaa Guddoonka Golaha Shacabku kaga dhawaaqay in Kalsoonidii lagala laabtay Xukuumadda kadib markii ay mooshin ka keeneen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal sheikh Cabdi raxmaan ayaa sheegay in 170 mudane ay Kalsoonida kala laabteen