Gudoomiyaha Aqalka sare oo Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo Maanta hadal ka jeedinayay Kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Aqalka sare, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu ku xad-gudbay Dastuurka Dalka.

Guddoomiye Xaashi, wuxuu sheegay in Khudbaddii u dambaysay ee Madaxweyne Farmaajo ka hor jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka uu si cad ugu dafiray Jiritaanka Aqalka Sare ee Baarlamanka oo Wakiil ka ah Dowlad Goboleedyada Dalka

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu meel ka dhac ku sameeyay Nidaamka Federaalism-ka ee Dalka u yaalla, islamarkaana dhammaan Awoodihii Labada Aqal ee Baarlamanka uu ku ururiyay Golaha Shacabka oo keliya.

Gudoomiye Cabdi Xaashi  ayaa xusay in aysan jirin cid ka sarraysa Sharciga iyo Dastuurka waddanka sidaasi darteedna ay tahay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka iyo Nidaamka Federaalka.