Dhageyso ” Golaha Samata bixinta Awdigil oo soo dhaweeyay shirka ka socda Muqdisho

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim oo ka Tirsan Golaha Samata bixinta Awdigil ayaa soo dhaweeyay shirka Magaalada Muqdisho uga Furmay Dawlada Federaalka ‘ Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir .
Suldaan shariif Cali Xasan Ibraahim ayaa sheegay in Afar qodob oo muhiim u ah xasilooniada dalka shalay looga hadlay shirka’ waxaana uu intaasi ku daray in ay soo dhaweeyanayaan dhamman qodobadii looga hadlay shirka .
Dhinaca Kale shariif Cali xasan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arinta Soomaaliland iyo Dadka ku matalaya shirka wadtashiga qaran ee ka socda Muqdisho isaga oo shaaca ka qaaday in dadka dega gobolada waqooyi loo madax baneeyo aayahooda iyo in iyaga ay soo xushaan aan hadba cida ku mataleysa shirkan ka socda Muqdisho ee looga hadlayo doorashooyinka Dalka .