Dhageyso: Golaha Midowga Musharixiinta oo Walaac ka Muujiyay in Dalka uu galo Firaaq Dastuuri ah

Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ee u Tartamaya xilka madaxtinimo ee  Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu fashilmo shirkii ka socday magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug.

Shirkaas u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo socday saddex maalmood ayaa lagu kala tegay kadib markii xal laga gaari waayey cidda maamuleysa doorashada ka dhaceysa gobolka Gedo.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay in waqtigii golayaasha dowladda oo dhammaaday qaar in aan haddana weli wax is afgarad ah laga gaarin doorashooyinkii dalka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali Siiriin oo u hadlay golaha midowga Musharixiinta ayaa ka war bixiyay sida ay Golaha Musharixiinta u arkaan shirkii fashilmay ee Dhuusamareeb ay ku yeesheen Madaxda Dawlada Federaalka ‘ Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.