Dhageyso: Dr. Cali Cabdi Baab oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku Fashilmay Siyaasada uu Dalka ku Hogaaminaayo

Dr. Cali Cabdi Baa boo ka Tirsan Siyaasiyiinta Qurba joogta ah ahna Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga  Amniga iyo Cadaalada ee uu Hogaamiyo Muqtaar Rooboow oo u Xiran dawlada Federaalka Soomaaliya  ayaa Sheegay in Madaxweyne Farmaajo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fashilmay siyaasada Dalka

Dr .Cali Cabdi Baab ayaa sidoo kale ka hadlay Shirkii Dhuusamareeb ay ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo khilaafka doorashada waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmajo khilaafkaasi uu isaga mas,uul uu ka ahaa kaliyana  arint gobolka Gedo uu diirada ku saaray shir dhan oo masiir Soomaaliyeed looga hadlayay

Ugu dambeeyntii Dr. Cali Cabdi Baab ayaa ku baaqay in dalka la Badbaadiyo Madaxweyne Farmaajona ku Eedeeyay in Dalka meel xun uu u horseeday uu doonaayo in in xukun Kaligii Talisnimo uu ku Hogaamiyo Dalkaan maadaamaa Xiriir uu la lee yahay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo  Madaxweynaha Dalka Erateriya Asias Afwerki oo dhammaantood ah kaligii taliya yaal.