Dhageyso: Dr. Cali Cabdi Baab oo shaaciyay in Sheekh Muqtaar Rooboow uu Afduuban yahay

Dr. Cali Cabdi Baab oo  ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu Hogaamiyo Sheekh Muqtar Roobow  ayaa ka hadlay Sababta illaa hadda uu u xiran yahay Sheekh Muqtaar Roobow S Islamarkaana ah Hogaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda

Dr. Cali Cabdi Baab ayaa sheegay sida uu Aamin san yahay in Muqtaar Roobow uusan Xirneyn balse uu u Afduuban yahay Dawlada Madaxweyne Farmaajo ‘ isaga oo hadalkiisa intaasi raaciyay  Amniga Muqtaar Roobow ay u baqanayan maadaamaa aysan ku kalsneyn xisbiga Amniga iyo Cadaalada Amaan ahan goobta uu ku xiran yahay

Dhinaca kale Dr. Cali Cabdi Baab ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada Waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu doorashada ka dhigo mid daahfuran islamarkaana ay ka qayb qaataan dhammaan Musharixinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Ugu Dambeeyntii Dr Cali Cabdi Baab ayaa ka hadlay Xaalada ka Taagan gobolka Gedo iyo Abaaraha ka jira ‘isaga oo ku Eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ciidan badan geeyay gobolkasi’ Waxaana uu ku baaqay in loo gurmado Dadka ku dhibaateysan degaanada Abaaraha ay ka jiraan ee gobolada Dalka Soomaaliya