Dhageyso: Dr Cali Cabdi Baab oo ka hadlay qalalaasihii shalay ka dhacay Muqdisho

Dr. Cali Cabdi Baab ooo ka mid ah Siyaasiyiinta Qurbo Joogtaha ah kuna ku sugan Magaalada London ayaa ka hadlay Wixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dr Cali Cabdi Baab ayaa isaga oo ku hadlayay Magaca Xisbiga Amniga iyo Cadaalada oo uu isaga Gudoomiye ku xigeen ka yahay ayaa sheegay in shacabka Magaalada Muqdisho iyo siyaasiyiintoodaba ay xaq u leeyihiin in banana baxaan balse dagaalkii ka dhashay dibad bixii ay ku baaqeen midowga musharixiinta ee baaqday uu yahay mid nasiib darro ah wxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo in uu joojiyo Ciidanka uu u Adeegsanayo Madaxdii isaga Xilka uga horeysay .

Dr Cali Cabdi Baab ayaa dhinaca kale ugu baaqay Madaxda Midowga Musharixiinta iyo Madaxweyne Farmaajo in isku tanaasulaan