Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in Ganacsiga Forex iyo AL-shabaab ay isku midyihiin.
Isaga oo ka hadlayay kulan Fanaaniin ka socotay Baydhaba uu uga qeybgalay Muqdisho ayuu sheegay in Ganacsiga Forex uu yahay mid lagu dhacayo dadka Soomaaliyeed.
Cumar Finish ayaa sheegay in haddii sharikadaha Forex ay leeyihiin damaanad lacageed la aamini karo laakiin damaanad la’aan aan la aamini karin.
Bangiga dhexe ayaa sidoo kale isna sameeyay farriin uu dadka uga wacyi gelinayo Forex isaga oo ku sheegay in ay tahay qiyaano dadka lagu dhoco.
Hayeeshee dadka maalgashta Forex iyo Sharikadaha Forex laftooda ayaa rumeysan in dagaalka iyaga ka dhanka ah ay ka dambeeyaan Sharikadaha waaweyn iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay oo doonaya in dadka aysan lacagaha kala bixin akoonnada si ay u maalgashtaan.