Dhageyso: Ciidanka Maamulka Koofur galbeed oo bilaabay Halwgalo lagu Furayo Wadooyinka

Abuukar Cabdilaahi Isaaq Alcadaala oo ah Gudoomiyaha Degmada Leego ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa ka war bixiyay Halwgalo wada Furis ah oo ka socda Jidka u dhexeya Leego iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha Hoose

Gudoomiye Leego ee Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamo ka Tirsan Maamulka Koofur galbeed ay iska kaashan doonaan sidii loo furi lahaa wadada u dhexeysa leego ,Buur hakaba iyo degmada Wanlaweyn  Halkaas oo lagu dhibaateeyo Gaadiidka xamuul ka ah ee Dad weynaha Alaabaha u sida

Dhinaca Gudoomiyaha Leego ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynaayo sidii Alshabaab ay ugala wareegi lahaayeen gacan ku heynta degmada Leego oo Hadda ay ka Taliyaan Alshabaab.