Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil oo ka Tirsan baarlamaankii kmg ahaa ee Dawladii Madaxweyne Shariif sheikh Axmed ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu Xilka isaga dego Cafisna uu weydiisto Dadka shacabka ah
Xildhibaan Cabdi Barre ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu bixiyay Amarka Dadkii shalay lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho ee dibad baxa ka dhigayay Xaafadaha Magaalada Muqdisho ee ay rasaaseeyeen Ciidanka Ciidamada Haram cad ee ka Tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Hadalkaan ka soo baxay Xildhibaan Cabdi Barrre Jabriil ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shalay Dad banana bax ka dhigayay Magaalada Muqdisho ay rasaaseeyeen Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya taasi oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Gaba gabadii Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ku baaqay in Maxkamad Caalami ah la soo saaro Madaxweyne Farmaajo oo ku Eedeeyay in Xasuuq uu ka geystay Dalka gaar,ahaan Xaafadaha Muqdisho Waa sida uu hadalka u yiri , Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil.
Hadalkaan ka soo baxay Xildhibaan Cabdi Barrre Jabriil ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shalay Dad banana bax ka dhigayay Magaalada Muqdisho ay rasaaseeyeen Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya taasi oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.