Dhageyso: Boqor Axmed Cabdi Cali oo ka digay Awooda Ciidan ee Madaxweyne Farmaajo

Boqor Cabdi Axmed Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo waraysi siiyay warbaahinta Aragticusub ayaa ka hadlay aragtidiisa ku saabsan qalalaasihii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay markii dawlada Madaxweyne Farmaajo Awood Ciidan ay u adeegsatay Midowga Musharixiinta oo Doonaayay in ay dibad bax nabadeed ka dhigan Taalada Daljirka Daahson taasi oo keentay in ay dagaalamaan Ciidanka Madaxweyne Farmajom iyo Ciidanka Ilaalada u ah Midowga Musharixiinta Taasi oo keentay in uu baaqdo dibadbixii loo balamay in uu ka dhacao Taalada Daljirka Daahson.

Boqor Cabdi Axmed Cali ayaa ka digay in Madaxweyne Farmaajo in uu  Awood Ciidan  uu u Adeegsado  markale dibadbax ay qaban qaabinayaan midowga musharixiinta ee Afkaartooda ay ku cabirayaan.

Waxaa uu ku Eedeeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish iyo Ku Xigeenkiisa dhina Amniga iyo Siyaasada Cali Yare ay yihiin kuwo Madaxweyne Farmaajo gadashiisa Taagan  islamarkaana Hurinaya sida uu hadalka u dhigay Boqor Cabdi Axmed Cali Colaada Muqdisho oo ay doonayaan si aysan xilka uga dagin in Madaxweyne Farmaajo uu Awood ku soo laabto si markale dalka uu u xukumo.