Dhageyso: Beesha Gaal jecel oo qaylo dhaan ka soo saartay dhibaatooyinka ka jira Leego iyo Yaaq bariweyne

Xaliimo Cabdule oo ka mid ah Dadkii ka soo barakacay degaano hoostaga Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadashay xaalada ay ku nool yihiin Qoysaska ka soo baracay halkaasi

 

Xaliimo Cabdulle Waxaa ay u sheegtay Warbaahinta Aragti Cusub in qoysaska ka soo barakacay Degmada Leego iyo Degaano kale ee hoostaga Degmada Wanlaweyn Dhamaantood ay yihiin Beesha Gaal jecel isamarkaana Guryihii ay deganayeen iyo Ceelashii biyaha ay ka cabaayeen ay ka gubeen Alshabaab , waxaana ay sheegtay Qoysaskii ka soo barakacay Leego iyo degaanada kale ee hoostaga ay soo gaareen Magaalada Muqdisho , iyada oo ugu baaqday Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee samo falka in gurmad deg deg ay la soo gaaraan Qoysaskasi danyarta ah.

 

Dhinaca kale Waxaa ay ku Eedeeysay Xildhibaanada Ku jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyoXubnaha Beesha Gaal jecel ku matala dawlada Dawlada Soomaaliya in aysan waxba u qaban Dadka ay matalaan ee laga soo barakiciyay Leego, yaaqbariweyne iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.