Dhageyso” Aqoonyahan Madaxweyne Farmaajo ku Eedeeyay Weerarkii lagu qaaday Hoyga Madaxweyne Xasan sheekh

Parfesor  Fu’aad Bin Caqiil Alqureyshi oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ayaa ku Eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qaadayo Mas’uuliyada dhibaatadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday Hoyga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Sidoo kale Sheekh Fu’aad Bin Caqiil ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu ka laabto Muddo Kororsiga

Dhinaca kale sheikh Fu’aad Bin Caqiil ayaa ku shaaciyay in Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal  uu mas’uuliyadeeda uu qaadayo talaabada muddo kororsiga ee  loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Hay’addaha kale ee Dawlada waqtigeeda uu dhammaaday .