Dhageyso: Aqoon yahan Taageeray Ansixinta Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Golaha shacabka

 

Hassan Abdillahi Omar ( Karate ) islamarkaana ka mid ahaa  musharixiintii u  tartameysay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan ayaa taageeray talaabada xildhibaanda Golaha shacabka ay codka kalsoonida ku siiyeen Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre

Mudane Xasan Cabdulaahi karate ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre in uu soo magacaabo Xukuummad Tayo leh islamarkaana wax ka qaban karta xalada iminnka uu dalka ku jiro.

Sidoo kale’ Mudane Xasan Cabdulaahi Karate codsaday in lala shaqeeyo Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Xamza Canbdi Barre.

Mudane Hassan Abdillahi Omar ( Karate ) mar ahaa Murashax Madaxweyne, ahaana  Tababarahii Qaranka ee Karateega, ka mid Kooxahii Qaranka Basketball ka, Macalin ka soo noqday Jaamacadii Lafoole.

Halkaan Hoose ka dhageyso Waraysiga :