Dhageyso” Aqoon yahan kula Taliyay Madxweyne Farmaajo in uusan ka Mid noqon Musharixiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Sheekh Fu’aad Bin Caqiil oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka Faalooda Xaalada Siyaasadeed ee Dalkeena Soomaaliya ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray khilaafkii ka jiray qabsoomida doorashooyinka dalka
Sheekh Fu’aad ayaa shaaca ka qaaday in wax lagu farxo uu yahay heshiiskii lagu gaaray shirkii watashiga Qaran ee u dhexeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya ‘ Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo ugu dambeyntii qodobo laga soo saaray Islamarkaana la saxiixay
Dhinaca kale Sheekh Fu’aad Bin Caqiil ayaa kula Taliyay Madaxweyne Farmaajo in uusan isa soo sharaxin ama uusan ka qayb gelin tartanka madaxtinimada Soomaaliya isaga ku tusaaleeyay in haddii madaxweyne Farmaajo uu ku guuleysto marka xilka madaxtinimo ee dalka mar kale caqabad ay ka dhalan karto taas oo uu sheegay in badelkeda ay wanaagsan tahay in doorashada uu isaga haro.