Dhageyso: Aqoon yahan Fu’aad Bin Caqiil oo ka warramay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Aqoonyahan Fu’aad Bin Caqiil (Alquresyshi) oo ka faalooda Siyaasada Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka  Dawlada Federaalka ‘ Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho

Aqoon yahan Fu’aad Bin Caqiil (Alkhureyshi ) ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisal wasaare Rooble loogu wakiishay Amniga iyo doorashooyinka Isaga oo intaasi ku daray in ay fiicnaan lahayd in Madaxweyne Farmaajo uusan isa soo sharaxin Xilka Madaxtinimo ee dalka madaamaa lagu Eedeeyay in uu ku fashilmay in doorasho uu ka hergeli dalka

Aqoon Yahan Fu’aad bin Caqiil ayaa xusay midowga Musharixiinta mucaaradka ah lagu tix geliyo rabitaankooda oo ah in doorasho xor oo xalaal ah ay dalka ka dhacdo  laguna tix geliyo in ay yiyhiin dadkii xaqa u lahaa in ay  go’aan ka gaaraan masiirka gobolka Banaadir madaamaa ay ka soo jeedaan gobolka

Hadalka ka soo baxay Aqoon yahan Fu’aad Bin Caqiil ayaa ku soo  aadaya xilii la filayo in dawlada Federaalka iyo Dawlad goboleedyada iyo gobolka banaadir  shirka uga socda Muqdisho ay natiijo wanaagsan ka gaaraanarimaha doorashooyinka dalka.

Halkaan  Hoose ka dhegeyso Codka Aqoonyahan Fu’aad Bin Caqiil.