Dhageyso” Aqoon yahan Fu’aad Bin Caqiil : Madaxweyne Farmaajo Nidaam kaligii talis ah ayuu doonayaa in uu dalka ku maamulo

Perfasor Fu’aad Bin Caqiil oo ka mid ah Aqoon yanahanada Soomaaliyeed  ayaa ka hadlay isbedelada siyasadeed ee dalka dalka ka jira iyo khilafka ka tagan arimaha doorashooyinka dalka .

 

Aqoon yahan Fu’aad Bin Caqiil ayaa sheegay in madaxda maamulada Puntland iyo Jubland ee ka qayb galay shirarkii looga hadlayay doorashooyinka ay doonayaan in midowga Musharixiinta  iyo Ururada Buslshada rayidka ay qayb ka noqdan shirarka looga hadlayo doorashooyinka isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uusan dooneyn in Bulshada rayidka iyo midowga musharixiinta shirarka laga qayb geliyo.

Dhinaca kale Aqoon yahan Fu’aad Bin caqiil ayaa shaaca ka qaaday in dawladaha caalamka ay cunu qabateyn sari doonan cidda diidan in doorasho dalka ay ka dhacdo isaga oo farta ku fiiqay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay qofka diidan doorasho in ay ka dhacdo dalka .

Ugu dambeynta Perasor Fu’aad Bin Caqiil ayaa ka hadlay taariikhda dalka soomaaliya iyo wagii xornimo u dirarka isaga oo shegay in caalamka xilligaan uu ka sii gudbayo nidaamka kaligii talisnimada oo Madaxweyne Famaajo oo uu doonayo in dalka Soomaaliya uu markale ku maamulo.