Dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeyn doono

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo khamiis ah la soo gabo gabeyn doono dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya.

Mahdi Guuleed ayaa xusay in galabta 03:00pm xilliga magaalada Hague ee dalka Holland ay maxkamadda caddaaladda adduunka dhageysan doonto gunaanadka dacwadda baddeenna.

“Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa  galabta 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeenna ee inagala dhaxaysa Kenya”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com