Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ee maamulka puntland ayaa maanta dhegaysanaysa, dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska ahaa ee Marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.
Hodan Shanlayse, waxay ahayd haweeney xaas ah oo 11-kii April 2019 la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwada Raggaasi
Xafiiska Wararka Muqdisho.