Dhageyso: Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Saakay Ciidamo ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya  & Xubno ka Tirsan Ururka Alshabaab  ku dhexmaray degaanno hoostaga Gobolka Gedo.

Dagaal ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib Markii Ciidamo ka tirsan Dawlada Federaalka oo ku sugan Gobolka ay Hawgallo ay ka sameeyeen degaannadaa kala  ah Diif iyo Garrileey oo ku yaalaa xadka Somaaliya ay laa wadaagto  Kenya iyo Itoobiya  ee gobolka Gedo.

Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dawlada Federaalka ee ku  sugan goblka Gedo ayaa warbaahinta ka warbixiyay  Hawlgalladda Ciidamada Dawlada soomaaliya ay ka sameeyeen Gobolka  Gedo iyo khasaaraka ka dhashay dagaalkii saakay dhacay.

Ciidamada dawlada federaalka soomaaliya oo kaaashanaya kuwa degaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay dagaa kula jireen Alshabaab iyaga oo wareegay dhul ballaaran oo ay Alshabaab muddo badan ay maamulayeen.