Hay’adda NISA ayaa la wareegtay labo Guri oo kuyaalla Degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.
Ciidanka NISA ayaa u suurto gashay in ay ku ogaadaan guryahan Al Shabaab kasoo dhax tuureen hoobiyaasha, waxaana la sheegay in ciidanka aysan qaban raggii ka dambeeyay hoobiyaashaasi la tuuray.
Dowladda Soomaaliya ayaana la wareegtay guryahan la sheegay in Al Shabaab u adeegsadeen khal khal gelinta magaalada iyo in ay hoobiyaal kasoo tuuraan, waxaana labadan guri oo isku dhagan hadda yihiin kuwa haawanaya oo ay la wareegtay milkayadiisa dowladda.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale raadinaya guryo kale oo Al Shabaab gabaad ka dhigtaan , waxa ay sidoo kale ciidanka ogaadeen in hoobiyaashii ugu dambeeyay ee magaalada lagu garaacay qaarkood laga soo tuuray dhul bannaan.
Laamaha amaanka ayaa ciidamo badan geeyay aagagii maalmihii lasoo dhaafay laga soo tuurayay hoobiyaashii lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya iyo garoonka Aadan Cadde, waxa ayna ciidanka dowladda bilaabeen howlgallo roondo ah.