Magaalada Muqdisho waxaa shalay ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa ciidanka dawladda Soomaaliya oo la yiraahdo Sheegow Axmed Cali, laakiinse loo yaqaanno Jeneraal Sheegow.
Sheegow ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer), sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u geeriyooday Sheegow ay tahay xanuun uu muddo la noolaa.
“Wuxuu la noolaa fayraska cagaarshowga, sidaas ayuuna u geeriyooday sida ay isbitaalka noo sheegeen, maaddaama uu muddo la noolaa kaas oo beerka saameeyay kansarna isku beddelay,”