Madaxweyne Deni oo Oday dhaqameedyo kula kulmay Magaalada Gaalkacyo+sawiro

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka iyo Odyaasha Dhaqanka  Gobolka Mudug.

Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa Madaxweyne Deni  warbixin ka siiyey, xaaladda guud ee Gobolka, Shirkii Nabadeynta ee kusoo dhammaaday Galdogob oo ay qeyb ka ahaayeen Odeyaashu iyo guud ahaan Amniga iyo horumarka Gobolka .

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Mudug  Qorshaha puntland  kaga aadan Gobolka Mudug, sida dhinacyada Amniga, Nabadeynta iyo horumarka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay doorkooda qaataan oo ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka Gobolka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com