Deni oo khudbad ka Jeediyay Shirkii Golaha Aqalka Sare

Madaxwaynaha maamulka puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa wuxuu sheegay inuu muqdisho u yimid si xal looga gaaro xaalada Doorashada dalka, Sidoo kalana wuxuu Carabka ku dhuftay in laga doodi doono Shirkii Dhuusamareeb3 go’aanadii kasoo baxay.

Deni ayaa Isagoo hadalkiisa sii wata  sheegay inay ka go’an tahay in xal la gaadro haddii xitaa ay Qaadanayso Bilooyin.

Wuxuu sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in Soomaalida ay is khilaafto, Wuxuuna sheegay in Rajjo wanaagsan uu ka Qabo Kulamada ka dhici doona Muqdisho ay wax ka soo baxaan

Ugu Dambeyntii Madaxweyne Deni ayaa Shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay deganaasho, Horumar iyo Doorasho Wakhtigeeda ku dhacda, wuxuuna tilmaamay inaysan dan gaar ah Puntland lahayn.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com