Deni oo baaq U diray Beesha Caalamka

Madaxweynaha DG Puntland, Saciid C/llaahi Deni waxa uu xalay ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Somalia oo lagu qabtay Waqooyiga magaalladda Gaalkacyo.

Waxa u Khudbadiisa kaga hadlay guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka, Aragtida Puntland ee Go’aamadii ay Xildhibaanadda Golaha shacabka ee BFS ku ansixiyeen Matalaada Muqdisho iyo Xeerar kale.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu ayidsan yahay Go’aanka ay Xildhibanaadda  Baarlamaanka Puntland ka soo baxay 29-kii June ee ku saabsana waxa u uu gu yeeray Tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen ee ay qaadeen Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku dooday inaysan ka soo horjeedin Matalaadda Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare, balse ay ka biyo diidsan yihiin Sifaha aan Sharciga ahayn ee loo maray, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waa in la ilaaliyo Dastuurka, Gobalna lagama oggolaan doono Sed-bursi ama Naaqus ku kaca” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxa uu intaasi ku daray inay DFS ku hawlan tahay Burburinta Aqalka Sare ee BFS, Nidaamka federalka iyo qorshe Xukun Maroorsi Dimuqraadiyadda ee dalka ka dhacday sanadkii 1969-kii.

Dhinaca kale, Khudbadda uu Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni xalay ka jeediyey Munaasabad ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo waxa uu ku qaadacay Shirka Madaxda DF iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda ee uu Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ku baaqay, wuxuuna sheegay inuusan ka qeyb geli doonin Shirkaasi oo isbuuca dambe ka furmi doona magaalladda Muqdisho.

Mar uu ka hadlayey Khilaafka ka taagan Somalia waxa uu carrabka ku dhuftay in la isku hayo Arrimo Siyaasadeed iyo Dastuuri, wuxuuna ku baaqay inay Doorashooyinka Federalka ee 2020-ka iyo 2021-ka ku dhacaan Xilligii loogu talagalay.

Saciid Deni waxa uu sheegay in Dano Siyaasadeed  oo Khaas ah laga leeyahay xilli-kordhinta iyo in Jahawareer Ummadeed looga dan leeyahay.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu iska ilaaliyo Xadgudubka Sharciga, loona hoggaansamo Nidaamka u degsan dalka.

Madaxweynaha Puntland waxa kale oo uu Baaq u diray Daneeyayaasha Beesha Caalamka  inay iska ilaaliyaan waxa uu ugu yeeray Marin Habaabinta, isla markaana ay taageero ka geystaan Badbaadinta Geeddi-socodka Somalia oo ay Juhdiga geliyeen si loo gaaro Xasiloonida Siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale.

Madaxweynaha  Puntland, Saciid C/llaahi Deni waxa uu xalay ka qeyb galay Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Somalia oo lagu qabtay Waqooyiga magaalladda Gaalkacyo.

Waxa u Khudbadiisa kaga hadlay guud ahaan xaaladda Siyaasadeed ee dalka, Aragtida Puntland ee Go’aamadii ay Xildhibaanadda Golaha shacabka ee BFS ku ansixiyeen Matalaada Muqdisho iyo Xeerar kale.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu ayidsan yahay Go’aanka ay Xildhibanaadda  Baarlamaanka Puntland ka soo baxay 29-kii June ee ku saabsana waxa u uu gu yeeray Tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen ee ay qaadeen Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku dooday inaysan ka soo horjeedin Matalaadda Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare, balse ay ka biyo diidsan yihiin Sifaha aan Sharciga ahayn ee loo maray, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waa in la ilaaliyo Dastuurka, Gobalna lagama oggolaan doono Sed-bursi ama Naaqus ku kaca” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxa uu intaasi ku daray inay DFS ku hawlan tahay Burburinta Aqalka Sare ee BFS, Nidaamka federalka iyo qorshe Xukun Maroorsi Dimuqraadiyadda ee dalka ka dhacday sanadkii 1969-kii.

Dhinaca kale, Khudbadda uu Madaxweynaha DG Puntland, Saciid C/llaahi Deni xalay ka jeediyey Munaasabad ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo waxa uu ku qaadacay Shirka Madaxda DF iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda ee uu Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ku baaqay, wuxuuna sheegay inuusan ka qeyb geli doonin Shirkaasi oo isbuuca dambe ka furmi doona magaalladda Muqdisho.