Deni oo aan waxba u Reeban Madaxweyne Farmaajo+Xog Akhriso

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay  khudbad ka jeediyay Xarunta Cilmi-baarista Puntland ee PDRC, ayaa si kulul Madaxweyne Farmaajo ugu Cambareeyay Xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Madaxweyne Deni, ayaa Madaxweyne Farmaajo bilow iyo dhammaadba ku eedeeyay khilaafka la xallin waayay ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna hirgelinta Doorashada Madaxtinimada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa  sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhamaaday ee  Farmaajo doonayo in uusan doorasho qaban islamarkaan dalka xoog ku haysto, isagoo adeegsanaya ciidan uu ku tilmaamay manaxayaal oo keligiis ka amar-qaata.

Hadal Jeedinta Madaxweynaha  Puntland , ayaa ka duwanaydkuwii hore u Jeedin jiray , waxaana laga dheehan karay in ay aad u kala fogaadeen isaga iyo Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com