Deni iyo Qoor Qoor oo kulan xalay ku yeeshay Muqdisho

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa looga hadlay  sidii xal looga gaari lahaa khilaaf maalmahaan ka dhrex jiray Saciid Deni iyo Axmed Qoor Qoor.

Xildhibano ka soo kala jeeda labada dhinac ayaa kulanka ka soo shaqeeyay iyadoo markii hore uu Qoor Qoor diidanaa la kulanka Deni’ hase,  ahaatee ugu dambeyntii lagu qanciyay in uu la kulmo  dhigiisa Puntland

Labada madaxweyne Goboleed ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis buuxa ay ka e khilaafka ka dhex jiray labada dhinac.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com