Deni iyo Axmed Madoobe ma ka qayb geli doonaan shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxda maamulada Puntland iyo Jubland aanay Aqbalin Casuumaada loo fidiyay ee ka qayb galka shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

War Qoraal oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada ayaa looga hadlay baaqshada Axmed Madoobe iyo Deni ee ka qayb galka shirka ka Furmi doona muqdisho ee looga hadlayo Arimaha doorashooyinka Dalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaarada Arimaha Dibada ee Casuumada Axmed Madoobe iyo Deni ee la xiriira shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa u qornaa Sidaan:

“Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada [ee Baydhaba]”.

“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu dhaco 18 ilaa 19 bishaan ayaa dib u dhacay markii musharixiinta mucaaradka ah ay ku dhawaaqeen dibad bax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmajo balse uu dibad baxa uu baaqday markii ciidanka Dawlada ay si qasab ah kula wareegeen Taalada Daljirka Daahson Halkaas oo mucaaradku ay doonaayeen in dibad baxa ay ku qabtaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com