Degaano ka Tirsan Puntland oo Roobab Mahiigaan ah uu ka da,ay

Roobab Xooggan , ayaa xalay ka da’ay degaanno ka tirsan puntland gaar,ahaan gobolada Karkaar iyo Nugaal, kuwaas oo qaarkood aysan hore uga di’in Roobabka Dayrta.

Gobolka Karkaar, waxa xalay Roobka ka da,ay magaalada Qardho iyo Degaanada ku xeeran, waxaana gBartamaha magaalada iyo nawaaxigeeda ka da’ay Roob xooggan oo dul iyo dooxaba buuxiyay.
Roobka ayaa la soo sheegaya in uu gaarsiisanyahay soohdinta u dhexaysa Gobollada Sool, Sanaag iyo Karkaar, gaar ahaanna dhulka ay iska galaan Xadeedka Sanaag iyo Xaysimooyinka Sool.
Gobolka Nugaal, sidoo kale degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Iyaxda ayaa xalay roobsaday, halka magaalada Garoowe iyo aga’gaarkeeda uu ka da’ay Roob yar oo qaboojin ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com