Deg deg:Wasiir ka tirsan Xukuumada Erna Solberg oo is casilay

Oslo,Wasiirka kaluumeysiga ee Xukuumada Erna Solberg ayaa goordhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo.

Wasiirkaan oo lagu magacaabo Geir Inge Sivertsen kana tirsan xisbiga Høyre ayaa lagu soo eedeeyay musuq maasuq lacag eed.

Geir Inge Sivertsen Oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in is casilaadiisa u gudbiyay Ra,isul Wasaare Erna Solberg.

Ra,isul wasaare Erna Solberg oo Warbaahinta goordhaw la hadashay ayaa sheegtay in ay aqbashay iscasilaada Wasiirka.

Waxaa ayna sheegtay in dhawaan soo magacaabi doonto Wasiir Cusub.

Wixii ku soo kordha kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com