DEG DEG: Shirkii wadatashiga Dhuusamareeb oo fashil kusoo gaba-gaboobay

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in uu burburay shirkii wadatashiga ee maalmahaanba magaaladaasi uga socday Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ka dib shir aan loo kala kicin oo saacadihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ayay madaxdu ku guuldareysteen inay xal ka gaaraan arrinta Gobolka Gedo iyo sharci ahaanshaha cidda magacaabeysa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ku metelaya Gobolada Waqooyi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaan wax xal ah u helin arrinta Gobolka Gedo.

Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, sidii horumar looga samayn lahaa arrinta Gedo, balse aan wax is afgarad ah laga gaarin.

Qodobka kale ee doodda badan dhaliyay ayaa noqday cidda soo magacaabeysa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ee soo xulaya Xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday in Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Gudoomiye Xaashi oo mar sii horeysay khadka teleefanka la soo geliyay intii uu shirka socday ayaa markale ku dooday inuu yahay masuulka ugu sareeya Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, isla-markaana uu isagu yahay kan mudan magacaabidda Xubnaha Guddiga Doorashooyinka. Xaashi ayaa sidoo kale ka horyimid in arrintaasi uu iskaashi kala sameeyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in saaka uu u ambabaxo Magaalada Muqdisho, si uu khudbad ugu jeediyo Xildhibaanda Labada Aqal.

Gudoomiye Xaashi waxaa uu Jimcihii sheegay inaanu Madaxweynuhu soo codsan in si wadajira uu ula kulmo Xubnaha Labada Aqal.

Tani waxay imaaneysaa, iyadoo Golaha Midowga Musharaxiinta uu ka horyimid muddo kordhin, wixii ka dambeeya 8-da bishan, oo ku eg muddo xileedka Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com