Deg-deg Sheekh Shariif R/w Rooble iyo Hayadaha amniga oo hada shir uga socdo Airport-ka Muqdisho

Sheekh Shariif Sheekh oo ah gudoomiyaha midowga musharixiinta ayaa horkacaya dhex dhexaadin loo sameynayo hey’adaha amniga dalka iyo RW Rooble.
Saldhigga Airport-ka Muqdisho ayuu hadda shirka dhexdhexaadinta ah ka socdaa waxaana jooga Taliyaha booliska ee laga joojiyay shaqada, taliyaha booliska GB Farxaan Qaroole iyo Kaniif oo ah ku simaha taliyaha booliska Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif ayaa la rajeynayaa inuu ku guuleysto dhex dhexaadinta uu ka dhex wado Hey’adaha Amniga ee dowladda.
Maanta oo lagu waday in ay dhacdo doorashada gudoomiyaha barlamaanka 11-naad ayey ciidamo ka tirsan booliska soomaaliya xirteen wadooyinka soogalo hoolka teendhada lagu dooran rabay gudoomiyaha.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com