Deg Deg: Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xaruunta dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaya in qarax khasaare gestay uu ka dhacay nawaaxyiga baar kulmis ee magaalada jowhar.
qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay waxaana ku dhaawacmay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabeele
Xildhibaanada kala ah :Cumar maxamed Cumar Cumar gaaboow iyo Xildhibaan Yuusuf Karaani ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qaraxa .
wararka kale ayaa sheegay in Hal ruux oo ka mid ahaa dadkii fadhiyay goobta uu qaraxa ka dhacay uu geeriyooday.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com