Deg Deg :Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

 Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ku qarxay Nawaaxyiga isgoyska sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Gaariqarxay ayaa waxaa  waday qof isa soo miidaamiyay kaas oo la sheegay in  xoog uu ku dhaafay bar kantarool oo kui taala Nawaaxyiga Hotel Dayax ka dibna uu ku qarxay Isgoyska Syidka meel u dhow sida ay sheegeen goob joogayaal

Ciidamada Amniga ayaa ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay iyaga oo baaraya qaraxa waxa uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com