Deg deg :- Qarax goordhow ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow Qarax xoogan uu ka dhacay.

Dad goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu sigaar uga dhacay Maqaayad shaah lagu cabo oo ku taalla Goob laga raaco gaadiidka.

Weli lama oga nooca qaraxaas uu ahaa, hayeeshee Jugta qaraxa ayaa siweyn looga maqlay inta badan Magaalada Jowhar, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa uu geystay Khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa Maqaayada uu qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com