Deg Deg :Ciidamo ka Tirsan Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo la wareegay isgoysyada qaar ee ku yaala Muqdisho

Ciidamo ka Tirsan Militariga Soomaaliya oo ka gadooday dawlada Federaalka ayaa la wareegay  gacan ku haynta isgoysyada fagax Sanca iyo Beexaani halkaas oo laga fara maroojiyay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugnaa isgoysyadaasi.

Xaalada qaybo ka mid ah Muqdisho ayaa weli kacsan waxaana meelaha qaar laga dareemayaa  dhaq dhaqaaqyo Ciidaan

Ciidanka la wareegay Isgoysyada Fagax  Sanca iyo Beexaani ayaa la sheegay in ay  yihiin kuwo taabacsan Midowga Musharixiinta kana soo horjeeda Muddo kororsiga  loo sameeyay dawlada Federaalka Soomaaliya

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid colaad ay ka soo cusboonaatay taasi oo ka dhalatay muddo kororsiga Muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo loo sameeyay

Xafiiska Wararga Muqdisho

Info@aragticusub.com