Deg Deg: Baabuur looga shakiyay in ay saaran yihin walxaha qarxa oo la soo dhigay Isgoyska Black Sea

Baabuur  Nuuca  xamuulka qaada , oo looga shakiyay  in ay saran yihiin walxaha qarxa ayaa  lasoo dhigay agagaarka Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho

Illo wareedyo sheegaya in la xiray gabi ahaan dhaq-dhaqaaqauadii  Halkaasi  ka jiray , waxaana Sidoo kale Halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan Dawlada Soomaaliya oo isku geedaamay goobta  baabuurkaasi  la soo dhigay.

Sidoo kale Ciidamada ayaa goobta baabuur la soo dhigay ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan, iyaga oo dadka shacabka ah  iyo baaburta ka celinaya halka lasoo dhigay baabuurka looga shakiyay walxaha qarxa .

Xaalada ayaa haatan u muuqata mid kacsan waxaana halkaasi ka socda baaritaano lagu ogaanayo in baabuur laga shakisan yahay la soo saaray walxaha qarxa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com