Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Heshiis kala saxiixday

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawsiya Abikar Nuur iyo Danjiraha Dawlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi, ayaa maanta kala saxiixday heshiis ay dowladda talyaaniga ku taageereyso qaar kamida isbitaalada dalka.

Heshiiskaan ayaa ku kacaya lacag gaaraysa 3 Milyan oo lacagta yuurada ah, waxaana wax looga qaban doonaa baahiyaha isbitaalada ay Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso. Isbitaalada ay wasaaradda Caafimaadka gacanta ku haysa ayaa ah kuwa daboola baahiyaha Caafimaad ee dadka Masaakiinta ah ee ku nool xeryaha qaxootiga iyo kaamamka kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiyo soomaliya ayaa heshiiska ka dib, waxaa ay booqdeen dhawr qaybood oo ka mid ah isbitaalka Hooyadda Iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadaal ku bixinaysa sidii u dabooli lahayd baahiyaha Caafimaadka aas-aasiga  ah ee dalka iyo ka hortagga cudurka Safmarka ah ee Corona-Virus (COVID-19) oo maalmahaan dambe soo laba kacleeyay dhibaata badana ku hayo Bulshadda Soomaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com